December, 06-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Waxaa caawa isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax bambo ee laga tuura gaacanta kaasoo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.








Qaraxaan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya oo raxan u socday , islamarkaana mararay Isgooyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inay khasaaro ka soo gaartay ciidamadaasi.

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah Ciidamada Dowladda, halka uu ku geeriyooday wiil yar oo Deegaanka ah, kaasoo ay eheladiisa wax uga soo dirsadeen Suuqa Baar Ubax ku yaala sidda ay warbaahinta u sheegeen ehelada wiilka dhintay.

Kadib qaraxa bambo ee lagu ganay ciidamada ayay fureen rasaas xoogan oo ay u rideen afarta dhinac, hase yeeshee lama soo sheegin khasaaraha ay geysatay rasaasraasi ay rideen ciidamada dowlada Soomaaliya ee lagu weeraray bambo gacmeddka

Ma jiraan cid ay u soo qabteen qaraxaasi ciidamada Dowladda oo looga dhaawacay laba askari, halka uu ku dhintay wiil yar oo markaasi wadada dhinaceeda maraayay, iyadoo ay qaraxyada ceynkaan oo kale ah maalmahaan ku soo badanayaan gudaha Magaalada Muqdisho.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS