December, 06-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Ku dhawaad 13 ruux oo rayid ah ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray maanta qarax ka dhacay gudaha Suuqa weyne ee Bakaaraha Magalaada Muqqdisho gaar ahaan qeybaha lagu iibiyo dahabka.







Iyaddoo dhaawacyadaani ay u badnaayeen haween ka ganacsan jiray Suuqaasi oo ku iibin jiray Dahabka, islamarkaana waxaa ka hadlay saraakiisha ciidamada dowlada oo sheegay inay jirin dad ku dhintay qaraxaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo bartilmaameedsaday goobtaas oo ay ku badnaayeen dad shacab ah, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in xiligan qaraxu uu dhacay ay joogeen halkaa ciidamo ka tirsan dowladda oo loo maleynayo in la eedtay oo ay ahaayeen bar-tilmaameedyo.

Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay amaankiisa gacanta ku hayaan ciidamada dowlada ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal amaanka lid ku ah oo isgu jira qaraxyo iyo waliba dilal lagu beegsanayo ciidamada dowladda iyo dadka rayidka ah oo aan waxba galabsanin.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS