Nabadoon Codey waxaa toogtay sida goobjoogayaal u sheegeen Mareeg.com rag ku hubeysnaa bastoolado, wax yar ka dib markii uu kasoo baxay garaash uu ka xareeyey gaari uu watay.
Ragii dilay nabadoonka ayaa baxsaday, mana jiraan wax ciidamo ah oo halkaas tegay, iyadoo laga war hayo in xaafadda Nasteexo aysan aheyn goob ay ciidamo u joogaan dowladda Soomaaliya balse ay ku suganyihiin maleeshiyo beeleed isbaarooyin dhigta.
Nabadoonka la dilay ayaa noqonaya nabadoonkii 2-aad ee ka mid ah odayaasha baarlamanka soo xulay ee la dilo, iyadoo 9-kii bishii hore ee November degamada Waabari ee Muqdisho lagu dilay Malaaq Isaaq Ibraahin oo isna ka mid ahaa 135-ta oday ee baarlamanka soo xulay.
Horaantii sanadkaan 2012-ka ayaa waxaa xaafada naxteexo lagu dilay agaasimihii Idaacada maxaliga ee Shabeelle Xasan Fantastic, sidoo kalana kooxo dilal ka geystay qeybo kale oo ka mid ah degamada Wadjir.