December, 06-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa sheegay iney ka dabategi doonaan qolooyin uu sheegay iney madaafiic kasoo tuufrayaan meelo ka baxsan magaalada Muqdisho.







R/waraase Saacid oo baar ku yaalla gudaha madaxtoooyada kula hadlay dad ku sugnaa halkaas ayaa sheegay inaan dowladdu u dulqaadan doonin in madaafiic laga soo tuuray meel 10km u jirta madaxtooyda ay dad waxyeelleyso.

Wuxuuu tilmaamay R/wasaaruhu in weerarkii habeen hore lagu soo qaaday madaxtooyda ee hoobiyaasha ahaa looga gol leeyahay in shacabka iyo dowladda shaki lagu kala dhexgeliyo, wuxuuna tilmaamay in qolooyinka madaafiicda soo tuuray ay ku daba tegi doonaan goobaha ay ku sugan yihiin.

“Waxaa mar kasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah, sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed” ayuu yiri R/wasaare Saacid.

“Awoodda cadowga meesha aan gaarsiinay dhul nagalama qabsan karo, danta laga laga leeyahay qori meel fog laga soo ruurayana waa in shaki la dhexgeliyo shacabka iyo dowladda” ayuu sidoo kale yiri R/wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, R/wasaare Saacid oo ay wehlinayeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka Gen. Dhegabadan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Shariif Shiikhunaa Maye, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg iyo xubno kale ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho ee dhanka Balcad iyo Afgooye.

R/wasaaraha iyo xubnaha la socday ayaa tegay deegaanka Darmooley iyagoo socod ka bilaabay xeradii Maslax oo ku taalla Suuqa Xoolaha, sidoo kale waxey tageen isgoyska Ex-contorol Afgoye oo ay laga qaaday isbaaradii ugu weyneyd magaalada Mqudisho.

“Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu gaaro meeshuu u scoday” ayuu yiri R/wasaare Saacid.

Habeen ka hor ayay aheyd markii madaafiic ku dhaceen xaafado ku yaalla degamada Boondheere ee gobolka Banaadir, kuwaasoo dhaawacay 5 rayid, waxaa taliyaha booliska gobolka Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin sheegay in hobiyaashaas laga soo tuuray xaafadda gudbta ee degmada Deyniile.



Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS