December, 06-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Habeenimaddii xalay aheyd ayaa waxaa Degmada Kaxda ee Gobollka Banaadir ku dileen kooxu ku labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya haweeneyd Umul aheyd oo aan waxba galabsanin.








Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay ku baraarugeen ciidamadaani oo galaya guryaha iyo goobaha ganacsiga , isla markaana baaritaano ula dhaqaaqaya cidkasta oo mareysa wadooyinka.

Goobjooge diiday in magaciisa looisticmaallo warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay ciiamadaani dilka u geysteen hooyadaani umusha aheyd oo ku sugneyd gurigeeda, kadib markii ay rabeen inay ka qaadaan Mobilkeeda oo ay diiday isla markaana ay toogteen..

Arintani ayaa waxa ay noqonaysaa dhibaato soo foodsaartay shacabka Degmada Kaxda ee Gobollka Banaadir maadaama aan Degmadaasi looga baran dhac iyo dilal ciidan wata dareeska ciidamada Dowladda ay ka geestaan Degmadaasi, mana jiro wali masuul ka hadlay arrintaani.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS