December, 06-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belguim ayaa waxaa kulan balaaran ku yeeshaya wasiirada arrimaha dibada ee dalalka NATO maalintii shalay aheyd kuasaaoo ka wada hadlayay taageerada la siin doono wadanka Afgaanistaan waxii ka dambeeya sanadka 2014-ka.








Qarshaha u dagsanaa NATO ayaa waxaa uu ahaa in dalka Afgaanistaan la siiyo sanad kasta lacag dhan $ 4.1 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah, kadib markii ay ka baxaan ciidamada NATo dalkaasi, isla markaana looga saacido dhinaca horumarka iyo amaanka.

Balanqaadkan ay horey u sameeyeen dowlada NATO ayaa kusoo beegmaya xili hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalaha wadamada Yurub iyo Maraykanka.

Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka oo kulankan ka hadashay ayaa ugu baaqday wadamada Yurub, inay kasoo baxaan balanqaadkooda, isla markaana wadamada aan weli wax balan qaadin wax dhaqaale ah, inay kaalintooda soo buuxiyaan.

Hillary ayaa sheegtay in qorshaha lagu taageerayo wadanka Afghaanistaan uu yahay mid dan ay ugu wada jirto wadamada reer Galbeedka iyo waliba wadamada jaarka la ah Afghaanistaan oo ay ugu baaqday inay nabadeynta laga wado dalkaasi ay ka qeyb qaataan.

Si kastaba ha ahaatee wadamadada ku midoobay NATO ayaa waxaa horey ugu balan qaadeen dalka Afgaanistaan in la siin doon $16 bilyan oo dollaar, kadib markii ay ciidamadooda ka baxaan wadankaasi sanadka 2014-ka,.

Baledweyn Online
News Desk

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS